Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadashay Shirka loo qabanayo Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda arrimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweesay dib u heshiisiin loo sameenayo siyaasiyiinta iyo bulshada kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweenayaan ayna bogaadinayanaan dib-uheshiisiinta uu kudhawaaqey Gudoomiyaha Golaha Shacabka, uuna soo dhaweeyauy Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-uheshiisiinta ayaa sheegtay in ay diyaar utahay in ay buuxiso kaalinta kaga aadan arrimaha dib-uheshiisiinta ee loo qabanayo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee siyaasad ahaan kala fogaaday.

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhawwaan ku dhawaaqay shir dib-uheshiisiin ah oo loo qabanayo siyaasiyiinta iyo bulshada Koonfur Galbeed, si meesha looga saaro khilaafaad siyaasi ah oo taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo baaraya Fadeexad soo wajahday Booliska dalkaas (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Magaalo loo aqoonsaday in ay tahay Barta Dadka ugu cimriga dheer Adduunka

Cabdi Cade

Danjiraha Somalia u qaabilsan OIC oo warqadaha aqoonsiga laga gudoomay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---