Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal qorsheesan oo lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada Koofur galbeed, ayaa saakay howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Dhursheen Shabeelle oo 35 km u jirta degmada Xuddur gobolka Bakool.

Howlgalkan ay sida wadajirka ah u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in lagu dilay labo xubnood oo katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab.

Masuulkna katirsan Maamulka Bakool ayaa sheegay in ciidanka ay arroor hore oo saaka ah weerar qorsheysan ku dileen, Axmed Moorogaabeey iyo Cali Garweyne oo Al Shabaab u qaabilsanaa arruurinta lacagaha baadda ah iyo jidgooyooyinka.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab , waxa ayna sheegeen in dhawwaan howlgalo Al Shabaab ka dhan ah laga fulinyao gobolka Bakool oo meelo badan ka joogaan Al Shabaab.

Degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde oo katirsan gobolka Bakool ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka , waxa ayna ciidankan doonayaan in go’doominta ka qaadaan Degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka Cad oo si adag uga hadlay Senator Mareykan ah oo ku baaqay in la dilo Madaxweyne Putin

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo Weerar Siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku qaaday Somaliland (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo dhiirogelin ugu tagay Ciidamo wada howlgal culus (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---