Allbanaadir.com
NEWS

Amiirka Qatar oo gacanta isku galiyay Madaxweyne Erdogan, Al Sisi iyo Madax kale (Sawirro)

Magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar waxaa shalay ka bilowday ciyaaraha koobka adduunka, waxaana munaasabada furitaanka ciyaarahaasi ka qeyb galay madax kala duwan oo caalamka ka kala socotay.

Munaasabadda waxaa ku sugnaa inta badan madaxda Carabta iyo kuwa dalalka Islaamka, waxaana madaxda munaasabadda ku sugnaa qaarkood ka dhaxeeyay khilaaf xooggan oo sababay in sannado aysan is arag xiriirka dalalkoodana uu xumaado.

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad ayaa ku guuleestay in uu kulan siiyo uuna gacmaha isku galiyo qaar kamid ah madaxdii munaasabadda isku arkay oo horey xiriirkoodu u xumaa , kuwaa oo iyaga oo faraxsan gacmaha is galiyay.

Madaxda Amiirka kulansiiyay ayaa waxaa kamid ah Madaxweynayaasha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Masar Cabdifitaax Al-Sisi, labadan madaxweyne ayaa sannado badan is arag, waxaa sidoo kale ka dhaxeeyay khilaaf xooggan oo saameeyay xiriirka labada dal.

Doxa waxaa sidoo kale isku arkay oo gacmaha is galiyay Madaxweyne Erdogan, Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, Boqorka Jordan iyo  Madaxweynaha dalka Isutagga Imaaraatka Carabta .

Dalka Qatar ayaa sannadkan marti galinaya koobka adduunka ee shalay furmay, waxaana dalkaasi shalay u aheyd maalin weyn oo taariikhi ah, waxaana dalkaasi isugu tagay madax kala duwan iyo dad magac iyo mansab ku leh caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil ka tirsan ciidanka Somaliland oo Weerar lagu dilay & Muuse Biixi oo si kulul uga hadlay

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo Amaan iyo Boggaadin u jeediyay golihiisa Wasiirada (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Dib u dhac ku yimid Ciyaarihii Olymbikada Adduunka ee sanadkan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---