Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad ka duushay Muqdisho oo xalay ka degi weysay Garawe iyo hal Arrrin oo sabab u noqotay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya diyaarad xalay ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Garawe, dib ugu soo laabatay Muqdisho markii ay degi weysay.

Diyaaradan oo siday masuuliyin kala duwan ayaa markii ay tagtay garoonka diyaaradaha Garawe u suurto gali weysay in ay degto, waxa uuna ugu dambeyn duuliyihii diyaarada go’aamiyay in diyaarada Muqdisho dib ugu soo celiyo.

Sida aan wararka ku helnay diyaarada ayaa u degi weysay leer la’aan garoonka diyaaradaha, waxaana duuliyaha diyaarada ku adkaatay in si caadi ah u dejiyo diyaarada xilliga oo habeen ahaa.

Diyaarada ayaa la filayaa in saakay dib ugu duusho magaalada Garawe ee caasimadda Puntland, waxaana diyaarada la socda masuuliyiin katirsan dowladda oo Garawe u tagay ka qeybgalka aaska Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo Garawe ku geeriyooday.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garawe oo si casri ah loo dhisay ayaan wali lagu guuleesan in uu shaqeeyo xilli habeen ah, waxaana garoonka uusan laheyn leerarkii loogu tala galay garoomada caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo si adag uga hadashay Damaca dowladda Itoobiya ee dekadda Saylac

Cabdi Cade

Ugaaska Beesha Murusade & ergo uu horkacayo oo gaaray Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

Sargaal Caan ah oo katirsanaa Booliiska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---