Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duulimaadkii u horreeyay ee Israa’iil iyo Qatar oo ka degay magaalada Doha (Sawirro)

Duulimaadkii ugu horreeyay ee ganacsi ee toos ah oo la isaga kala gooshayo Israa’iil iyo Qatar ayaa bilowday maanta, inkastoo labadan dal aanay lahayn xiriir diblumaasiyadeed.

Talaabadan ayaa waxaa ka shaqeeyey xiriirka kubada cagta dunida ee FIFA

Kumannaan Israa’iiliyiin ah ayaa la filayaa in inta uu socdo tartankaasi kubadda cagta ay booqan doonaan dalkaasi ku yaal Khaliijka Carabta.

Falastiiniyiinta haysta tigidhada lagu galo ciyaaraha, kuwaasoo ay tahay inay marka hore ogolaansho ka helaan dowladda Israa’iil, ayaa iyana loo ogolaan doonaa inay safraan.

Wufuud heersare ah iyo taageerayaal ka kala tagay daafaha dunida ayaa gaaray dalkaas ku yaal Khaliijka Carabta, halkaasoo uu tartankaasi ka socon doono muddo bil ah.

Waa tartankii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka ee lagu qabto Bariga Dhexe.

32 (laba iyo 30 kooxood) ayaa ka qeyb qaadanaya tartankan, iyadoo ciyaarta ugu horreysa ee tartankan lagu furayna ay bilaabatay 7:00 fiidnimo waqtiga Bariga Afrika, iyadoo ay haatan ku loollamayaan waddamada Qatar iyo Ecuador

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Somalia & Ruushka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $640 Million (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo xulka degmada Waaberi guddoonsiiyey Koobka Degmooyinka G/Banaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sarkaal ciidan & dad kale oo ku naf waayey qaraxyo ka dhacay gobolka Hiiraan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---