Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa horey heshiisyo ay u gaareen waxaa qeyb ka ahaa fududeynta socdaalka laada dal, gaar ahaan in loo fududeeyo helitaanka fiisooyinka ama dal ku galka Kenya ay codsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa dowladda Kenya cusleesay helitaanka fiisaha dalkeeda lagu galo oo markii hore isbuuc lagu heli jiray, balse hadda ay qaadato muddo bil ka badan halka dadka qaarna looba soo diido.
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa Safiirka Kenya u jooga Soomaaliya, Thomas Chepkoto kala hadashay wax ka qabashada culeeska ku yimid helitaanka dal ku galka Kenya.
Xildhibaan Fardowsa ayaa kala hadashay safiirka Kenya u jooga Soomaaliya sidii dowladda Kenya wax uga qaban laheyd culeeska ku yimid helitaanka dal ku galka, waxa ayna xustay in muhiim tahay dhaqangelinta heshiisyadii horey loo gaaray.
Waxa ay sidoo kale wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada kala hadashay danjire Thomas Chepkoto sidii mar kale dib loogu soo celin lahaa duulimaadyadii diyaarada Kenya Airways oo muddooyinkii lasoo dhaafay istaagay.
Safiirka Kenya u jooga Soomaaliya, Thomas Chepkoto, ayaa u sheegay wasiirka in uu xal u raadin doono arrimaha culeeska ka taagan yahay uuna la wadaagi doono madaxda ka sareysa gaar ahaan kuwa ay quseyso arrimahan.
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa madaxdooda ku heshiiyeen arrimo dhoor ah ay kamid ahaayeen fududeynta socdaalkja labada dal , waxaana hadda dadka Soomaaliyeed dhibaato kala kulmayaan helitaanka dal ku galka Kenya oo horey u sahlanaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com