Dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa dib boorka uga jafay xiriirka ka dhaxeeya, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii dib loo doortay labo mar booqasho ku tagay magaalada Asmara lana kulmay dhigiisa.
Eritrea ayaa shaacisay in ay jiraan waddamo reer Galbeed ah oon ku faraxsaneyn xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Eritrea, waxa ayna ku eedeesay waddamadaasi in ay xumeenayaan xiriirka labada dal u dhaxeeya.
Wakaalada wararka Eritrea ee Shabait ayaa lagu daabacay warbixin lagu sheegay in xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Eritrea uu sii xoogeesanayo, waxa ayna xuseen in ay jiraan waddamo reer Galbeed ah oo xiriirkaasi tashwiish ku furaya sidoo kale xumeenaya.
“Isku xidhnaanta sii kordheysa ee labada dal, gaar ahaan dhanka difaaca iyo amniga, waxa ay dhalisey guux weyn oo diidmo ah oo ka imaanaya tiro dalal reer galbeed ah. Waana munaafaqnimo weyn oo ku qotonta isla weyni,”
Warbixinta lagu daabacay wakaaladda wararka u faafisa dowladda Eritrea ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo dhinaca amniga iyo wadashaqeynta .
“Wadashaqeynta joogtada ah ee labada dal ayaa dhab ahaantii ku qotonta taariikh dheer oo wadajir ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay koox yar oo jilayaal ah oo taageero u fidiyay Ereteriya halgankii dheeraa ee xorriyadda. labada waddanba waxay garwaaqsan yihiin in dagaalka argagixisada Soomaaliya uu yahay xasilloonida, iyo amniga guud ahaan gobolka Geeska Afrika oo dhan ,”ayay lagu yiri warbixinta.
Dowladda uu hoggaaminyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dooneysa wanaajinta xiriirka kala dhaxeeya dalka Eritrea oo hadda joogaan kumanaan askari oo dalkaasi tababar loogu qaaday, kuwaa oon wali suurto gelin in dalka dib loogu soo celiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com