Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal Ciidan oo katirsanaa Dowladdii Maxamed Siyaad oo la xiray iyo Dambiga loo heesto

Sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamada Soomaaliya oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdi Cali (Duke) ayaa lagu baarayaa gudaha dalka Mareykanka dacwado la xiriira jirdil iyo tacadiyo kale oo la sheegay inuu geystay sanadihii 1980-meeyadii ee dowladdii Siyaad Barre.

Saddex sanno ka hor xeerbeegti Mareykan ah ayaa Cali ku xukuntay inuu jirdil u geystay wiil dhallinyaro ah sannadkii 1987-kii – taasoo uu beeniyay.

Xilligii dowladdii Siyaad Barre ee 1980-meeyadii waxaa la sheegay in Soomaaliya ka dhacayay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Yuusuf Cabdi Cali waxa uu madax ka ahaa guuto ciidan oo caan ah.

Sannado ka dib markii uu ka cararray gobolka, eedeymaha xadgudubyada ayaa mar kale soo kordhayay. Sannadkii 1992-dii Cali ayaa laga soo tarxiilay Kanada ka dib markii markhaatiyo dokumentari ah ay sheegeen inuu amray dilal badan.

Waxa uu shaqo ka helay shirkadda tagaasida ee Uber ee Maraykanka.

Kadib 2019-kii maxkamad madani ah ayaa ku xukuntay inuu bixiyo ganaax nus malyuun dollar ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu jirdilay wiil dhalinyaro ah sannadkii 1987kii.

Hadda ninkan oo lagu magacaabi jiray Kornayl Tukeh ayaa la xiray iyadoo baarayaasha Mareykanka ay baarayaan xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan dil iyo jirdil.

Duke dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan la yirahdo Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Israel oo sheegtay iney howlgal ku soo deysay askariyad looga heystay Gaza

Caydiid Ali

Galmudug oo Shaacisay tirada Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Al Shabaab ku galeen Baxdo

Cabdi Cade

Habraaca Dacwooyinka Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka oo lasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---