Allbanaadir.com
NEWS

Dibad caddaalad loogu raadinayay Hodan Xaashi oo ka dhacay dalka Canada

Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool dalka Canada ayaa dhigay dibad bax ay caddaalad ugu raadinayeen gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Hodan Xaashi oo 5tii bishan November lagu dilay dalkaasi.

Dibad baxa ay dhigayeen Soomaalida kunool Canada ayey ku codsanayeen in caddaalad hesho gabadha la dilay, waxa ayna soo qaateen boorar ay ku qornaayeen “Caddaalad ayay u baahan tahay Hodan Xaashi” iyo ereyo kale.

Qaar kamid ah dadkii ka hadlay dibad baxa ka dhacay Canada ayaa sheegay in ay ka xun yihiin qaabka loo wajahay kiiska dilka gabadha Soomaaliyeed , waxa ayna ugu baaqeen dowladda in kiiskan si caddaalad ku jirto u wajahdo.

Hodan Xaashi oo aheyd gabadh ardayad ah oo ku dhalatay dalka Canada ayaa lagu dilay goob lagu caweeyo oo kutaala magaalo kutaalla Canada, waxaana dilka gabadhan fulisay gabar cadaan ah oo la sheegay in ay saaxiibo ahaayeen taa oo dhalo ku dishay.

Soomalaida kunool dalka Canada ayaa ka carrooday damaanad lacag yar ah oo xabsiga looga sii daayay gabadhii dilka fulisay, waxa ayna hadda Soomaalida caddaalad u raadinayaan gabadha la dilay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Shiikh oo qorsheynaya inuu booqdo Xarumaha dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada DF oo xukuno kala duwan ku riday koox askar ah

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiye ku-xigeen KMG ah (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---