Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa weeraray Wadamada Yurub oo uu ku eedeeyey iney wadaan olole ka dhan ah Dalka Qatar oo sanadkan marti gelinaaya kooxbka kubada cagta dunida.
Shir-jaraa’id oo ku qabtay magaalada Doxa, Infantino, ayaa waxa uu hadlayey ku dhawaad saacad, waxaana uu si xamaasad leh u difaacay dalka Qatar, iyo tartanka caalamiga ah ee Kubadda Cagta.
Tartanka adduunka ee ku bdada Cagta, ayaa waxaa hareeyey arrimo ka jira dalka Qatar, oo ay ka mid yihiin dhimashada shaqaalaha muhaajiriinta ah, iyo arrimo kale oo xasaasi ah.
“Hadaynu nahay Reer Yurub dhibtii aynu dunida ka geysanay 3,000 sano ee La soo dhaafay, Waxaa waajib inagu ah, sadexda Kun ee sano ee soo socota inaynu Raali gelin ka bixino, ka hor inta aynaan bixin casharo ku saabsan Akhlaaqda iyo Anshaxa’ ayuu yiri.
“Yurub iney Qatar siiso cashar dhanka akhlaaqda iska dhaafee aniga waxaan leeyahay reer Yurub casharo haka qaataan dalka Qatar, gaar ahaan sida loo habeeyo shaqaaleysiinta in badan oo shaqaalaha qaxootiga ah” ayuu yiri
Waxaa jira warar la faafiyey oo tilmaamay in Qatar ay taageerayaal soo kiraysatay, hadaba waxaa isweydiin mudan ayuu yiri sababta Dalalka Yurub u ogol yihiin in xulalkooda ay taageeraan dad aan u dhalan asal ahaan, balse ay khalad u noqotay haddii ay Qatar samaysay.
“Ma waxaad i leedihiin qof Hindi u eg ma taageeri karo Xulka England ? Taasi waa cunsuriyad? ayuu yiri
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com