Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka koobnaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo Xubno isugu jiray labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Waxaa garoonka Ugaas khaliif ee Magaalada Beledweyne kusoo dhoweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Maamulka Gobolka Hiiraan, Masuuliyiin iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay howlgalada lagu ciribtirayo wax uu ugu yeeray kooxaha khawaarijta ee ka socda deegaannada Hirshabeelle isagoo tilmaamay in al-shabaab looga adkaaday dhamaan deegaanadii lagula diriray.
Cali Guudlaawe ayaa ku dhawaaqay in qeybaha kala duwan ee ciidamada ay diyaar yihiin xureynta deegaanada iyo degmooyinka ay wali ku joogaan Al-shabaab, ayna dhowaan bilaaban doonaan howlgalo cusub oo lagi sifeynayo al-shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com