Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh iyo wafdigiisa si lagu soo dhoweeyey degaanka Baxdo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgalada dalka looga ciribtirayo Al-shabaab ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud oo ka mid ah deeganada laf dhabarka u ah howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda oo boqolaalka ka mid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-nuur ayaa ku bogaadiyay sida naf hurnimada ah ee ay ugu guntadeen difaaca dhulkooda, waxa uuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay in waqti kooban lagu xoreeyo deegaanada GALMUDUG ee ku haray gacanta cadowga.

Madaxweynaha oo xusay geesinimada iyo nafhurnimada ay muujiyeen bulshada magaalada Baxdo ayaa tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen heeryada Argagixisada.

“Dadka reer Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda. Geeddiga dabar goynta Khawaarijtu waa billowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.”

Dhanka kale, Madaxweynaha oo sii wata kormeerkiisa ayaa u safray magaalada Wisil ee gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaliimo Yarey oo shaaciyay in ay Caqabad ku qabaan xarunta ay ku leeyihiin Madaxtooyada

Cabdi Cade

Rooble oo Kismaayo kula shiray waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gedo (Sawirro)

Caydiid Ali

Baakado sun ka buuxaan oo loo kala diray Safaarado iyo Qunsuliyado kuyaala dalka …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---