Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Ambo baxay furumaha Dagaalka ka dhanka Al Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray Al Shabaab iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo dalka waxa uu furimaha dagaalka kaga dhagaysan doonaa Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadinaya sida naf-hurnimada leh ee ay u diifaacayaan dalkooda, ugana xoreynayaan argagixisada, waxaana la filayaa madaxweynaha in uu tago degmooyinka Maxaas, Baxdo iyo Wisil oo ka kala tirsan Hirshabelle iyo Galmudug .

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u kuur-geli doona xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanno ka tirsan gobollada uu booqanayo ee Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoor Qoor oo safar dhinaca dhulka ah ku tagay magaalada Cadaado (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Raisul Wasaare Khayre oo dib ugu soo laabtay dalka, kana warbixiyey Shirkii Davos

Caydiid Ali

Khilaaf soo kala dhex galay RW Abiy Ahmed & Guddiga abaalmarinta Nobel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---