Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Ciidamada Badda ee Puntland oo gacanta ku dhigay rag Ajaaniib ah iyo Dooman ay wateen

Ciidamada badda ee dowlad goboleedka Puntland ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen kaluumeesato ajaaniib ah oo sifo sharci darro ah uga kaluumeesanayay biyaha Soomaaliya iyo dooman ay wateen.

War kasoo baxay taliska ciidamada badda ee maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen badda gaar ahaan dhinaca degmada Caluula kusoo qabteen dooman iyo kaluumeesato ajaaniib ah .

Ciidamada badda Puntland ayaa sheegay in kaluumeesata ajaaniibta ah ee lasoo qabtay sharciga la tiigsan doonaan, waxa ayna xuseen in diyaar u yihiin ilaalinta biyaha Soomaaliya ay tilmaameen in ay kusoo bateen kooxo sifo sharci darro ah uga jilaabta.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa leh ciidamo si gaar ah u tababaran oo dhinaca badda ah, waxa ayna ciidamadan adeegsadaan dooman dheereeya iyo hub kala duwan, waxa ayna inta badan ilaaliyaan biyaha Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo ka dhacay Buulo Burte iyo Jalalaqsi iyo Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo xilka ka qaaday Gudoomiye degmo kuna badalay Walaalkiis

Cabdi Cade

Somalia oo soo dhoweysay qaraar ka soo baxay Golaha Guud ee Q/Midoobay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---