Allbanaadir.com
NEWS

Guddoonka Labada Aqal oo kulan la qaatay Guddoonada Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan isxogwareysi iyo qado la qaatay guddoomiyeyaasha golaha wakiiladda dowladaha xubanaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray adkeynta wada-shaqeynta golayaasha sharci dejinta heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si loo dhammeystiro qabyo-qoraalka dastuurka iyo xoojina shuruucda muhimka u ah dowladnimadda Soomaaliya.

Guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilada dowlad goboleedyada dalka ayaa guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay soo dhawaynta iyo hab-maamuuskii wanaagsanaa ee loo sameeyay, iyagoo soo jeediyay in la badiyo kulamada is-xogwaraysiga ah si loo xoojiyo wadashaqaynta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunnaanadka kullanka hadal ka jeediyay ayaa xusay in la xoojiyo kullamada noocaan ah si la isaga kaashado horumarinta shuruucda muhiimka u ah golayaasha sharci dejinta heer dowlad goboleed iyo heer federaal. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dul istaagay dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, isagoo sheegay in qof walba oo Soomaali ah uu gacan weyn ka geeysto sidii dalka looga xorreyn lahaa kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska hor imaad Khasaaro geestay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Dhalinyaro Itoobiyaan ah oo Muqdisho u yimid fulinta qorshe uu wado RW Abiy Ahmed

Caydiid Ali

Xukun Dil ah oo maanta lagu fuliyay nin Hooyadiis dil argagax lahaa u geestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---