Allbanaadir.com
NEWS

Shaafi Raabi oo muddo kooban lagu xiray garoonka dayuuradaha Aadan Cadde

Ciidamada nabad sugida ayaa garoonka dayuuradaha ku xiray Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Jubbaland, Shaafi Raabi sidoo kalena ah Xoghayaha Guud ee rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Shaafi Raabi ayaa xiliga la xirayey ka soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada amaanka oo geeyey saldhig boolis oo ku yaala garoona dhexdiisa.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada amaanka ay ka qaadeen baasaboor diblomaasi ah oo watay masuulkan.

Waxaa uu ka yimid Shaafi Raabi magaalada Brussels ee dalka Belguim-ka halkaasoo uu kaga qaybgalay Shirkii arrimaha Soomaaliya looga hadlayay ee dhawaan halkaas lagu qabtay.

Sida ay sheegayaan Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya garoonka Aadan Cadde goobta lagu xiray Masuulkan aya waxaa gaaray Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo dedaal dheer ka dib ku guuleystay inay xoriyadiisa u soo celiyaan.

Lama oga illaa hadda sababta Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Jubbaland, Shaafi Raabi loogu xiray garoonka Aadan cadde, mana jiro war arnitan la xiriira oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xulka kubada cagta Somalia oo galabta ka haray Isreeb-reebka Koobka Adduunka

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo xariga ka jaray Xarun Wasaarad oo dib u dhis lagu sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ogow Sababta ay isbaheysiga u sameesteen Sadex kamid ah musharaxiinta Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---