Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jabhada TPLF oo shuruud adag ku xirtay in hubka dhigaan farriina u dirtay dowladda

Jabhada TPLF ee ka dagaalanta waqooyiga dalka Itoobiya ayaa heshiis la gaartay xukuumadda uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Abiy Axmed, waxaana heshiiska qeyb ka ah in hubka dhigaan jabhada lana wareegaan ciidamada federaalka gobolka Tigrey.

Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray Getachew Reda, ayaa sheegay in ciidankooda aysan hubka dhigi doonin ilaa laga saaro gobolka ciidamada ka socda dalka Eritrea ee gacan siinaya ciidamada federaalka.

Getachew Reda ayaa ku eedeeyay ciidamada Eritrea ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Tigrey in ay laayeen dad shacab ah , waxa uu sidoo kale ku eedeeyay ciidankaasi in ay wadaan gabood falo kale sida dhac iyo hanti burburin.

Waxa uu sheegay afhayeenka jabhada TPLF  in dagaalyahanada Tigreega aysan hubka dhigi doonin ilaa dowladda federaalka Itoobiya ay xaqiijiso ka bixitaanka ciidamnada Eritrea iyo ciidamada kale ee qoomiyadaha ee gobolka Tigrey qeybo kamid ah jooga.

Afhayeenka ayaana cadeeyay in hub ka dhigis ciidankooda sameeyaan ay ka horeeso in marka hore ciidamada Eritrea iyo kuwa kale aan federaalka aheyn gobolka laga saaro, waxa uuna xusay haddii shuruudaasi la fuliyo in hubka dhigi doonaan.

Dowladda Itoobiya aya adhankeeda ku xirtay kooxda TPLF in marka hore hubka dhigaan kuna wareejiyaan ciidamada federaalka guud ahana gobolka, xilligaasi kaddibna gobolka laga saarayo ciidamada Eritrea iyo kuwa kale ee ka socda qowmiyadaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madasha Sedaxaad Ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka oo la Daah furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xamse oo shaaciyey fursad qaali ah oo ay heshay Somalia

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay in dalka Difaacayaan baaqna u diray shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---