Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxtooyada Puntland oo magacowday guddi ka kooban 10 xubnood (Magacyada)

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale guddi u magacaabay qaban qaabada Aaska Qaran ee Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud kaasoo ka kooban 10 xubnood, waxayna kala yihiin

  1. Cabdi Faarax Siciid Juxa: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta (Guddoomiye).
  2. Cabdisamad Maxamed Gallan: Wasiirka Wadaaradda Amniga iyo DDR-ta.
  3. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
  4. Maxamuud Caydiid Dirir: Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyada, Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka.
  5. Jaamac Faarax Xasan: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
  6. Cabdullaahi Maxamed Xasan: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
  7. Ilyaas Cismaan Lugatoor: Wasiirka Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Garoomada.
  8. Gen. Muumin Cabdi Shire: Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland.
  9. Cawil Xasan Mataan: Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.
  10. Cabdulqaadir Maxamed Geedi: Duqa Degmada Garoowe.

Alle naxariistii Jano haka waraabiyee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed wuxuu ka mid ahaa Isimada ugu facaweyn guud ahaan Soomaaliya, si gaar ah Garaadku wuxuu wakhtigiisii ugu badnaa geliyey nabada iyo xasiloonida reer Puntland oo uu kamid ahaa Isimadii u guntaday Aas-aaska dowladda Puntland oo si weyn loogu xasuusto doorkiisii wanaagsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka Sare oo ansixiyay xubnaha ku matalaya Guddiga dib u eegista Dastuurka (Magacyada)

Cabdi Cade

Hay’ada Sirdoonka Ruushka oo Xog cusub ka bixisay weerarkii ka dhacay Moscow

Caydiid Ali

Madaxtooyada Somalia oo cadeesay in aysan Gor gortan ka galeyn Kiiska Dacwada Badda

Cabdi Cade