Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe.
Madaxweynaha oo xusay doorkii muuqday ee Garaad Saleebaan uu kasoo qaatay dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Waxaa uu si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo hoggaanka dhaqanka dowlad Goboleedka Puntland geerida ku timid Marxuumka oo ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ee laf-dhabarka u ahaa aasaaska dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Sidoo kale, Raisul Wasaaraha Somalia Hamza Cabdi Barre, madaxweynihii hore ee dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com