Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War cusub oo ka soo kordhay Soomaali badan oo laga masaafurinayo dalka Canada

Dhallinyaro Soomaali ah oo la sheegay in dowladda Canada ay qorsheyneyso inay dalkeeda ka musaafuriso ayaa uga warramay xaaladda ay ku sugan yihiin, kadib markii qaarkood sida la sheegay loo soo diray warqadihii lagu musaafurin lahaa.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso.

Wakaaladda xudduudaha Canada waxey sheegtay in dhallinyaradan ay gaarayaan 157 qof, balse dadka u doodaya dhallinyaradan ayaa rumeysan inay gaarayaan boqollaal qof.

Saraakiisha dowladda waxey ku doodayaan inay baaritaan kusoo ogaadeen in dhallinyaradan aysan Soomaali aheyn oo ay ka been sheegeen kiisaskii ay isku dhiibeen markii ay magangelyo waydiisanayeen Canada.

Canada ayaa ku eedeysay in dadka la masaafurinayo iney ka soo jeedaan dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya

Waxaa socda, dadaallo ay wadaan jaaliyadda Soomaalida qaarkood, kuwaasoo wali aanan kasoo bixin wax natiijo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacab 50 sano ku soo jiray dagaal sokeeye oo markii ugu horeysay u dareeray doorasho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Fahad Yasin oo Warqad furan u soo diray RW Xamsa (Labo Sifo waad ka bad qabtaa)

Caydiid Ali

Nin Soomaali ah oo iska dhigay Gabar oo la qabtay xili uu ka dhoofi rabay Turkiga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---