Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay Saraakiisha taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika u tageen Dhuusamareeb?

Wasiirka amniga gudaha dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe), ayaa Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay wafdi ka socday AFRICOM, kuwaas oo maanta gaaray halkaas.

Wasiirka ayaa wafdiga gaaray Dhuusamareeb la yeeshay kulan, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin in ay iska kaashadaan la dagaalanka Ururka Al-Shabaab iyo howlgallada ka socda dalka.

Wasiir Gaboobe ayaa AFRICOM uga mahadceliyay doorkooda ku aaddan la dagaalka Al-Shabaab iyo sida ay xilli kasta ugu heellanyihiin in ay bulshada Soomaaliyeed ku garab siiyaan in ay iska dulqaadaan.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee (AFRICOM) ayaa waxaa ay Soomaaliya ka caawiyaan la dagaalanka Al-Shabaab, iyaga oo mararka qaar duqeymo u geysta fariisimaha Al-Shabaab iyo goobaha ay ka dagaalamaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fashilka Cumar Finish oo banaanka yimid iyo Faragalinta Farmaajo oo laga digay !

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi iyo Cali Balcad oo Qatar iska daba aaday iyo kala shaki jira

Cabdi Cade

Ciidanka Danab oo fuliyay howlgal lagu laayay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---