Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sweden oo fulisay shuruud adag oo Dowlada Turkigu ku xirtay iney ku biirto NATO

Baarlamaanka Sweden ayaa ansixitey wax ka bedelka dastuurka dalkaas, kaasoo suurta-gelinaya in la meel mariyo sharciyo adag oo ka dhan ah argagixisada ka dib dalab muhiim ah oo ka yimid Turkiga, si loo ansixiyo xubinnimada Stockholm ee isbaheysiga NATO.

Duulaankii Ruushku ku duulay Ukraine ka dib ayaa Sweden iyo Finland waxay ka tageen siyaasadii ay muddada dheer ku soo jireen ee aheyd dhex-dhexaadnimada, waxayna codsadeen inay ku biiraan isbahaysiga milatari ee NATO.

Balse Turkiga ayaa is-hortaagay codsiyadii Sweden iyo Finland ee xubinnimada NATO, isagoo ku eedeeyay Stockholm gaar ahaan inay hoy u tahay argagixisada iyo kooxaha ku kacsan Turkiga ee PKK.

Mooshinka wax ka bedelaka dastuurka, oo lagu ansixiyay 278 cod oo ka tirsan baarlamaanka Sweden oo ka kooban 349 kursi, ayaa suurtogal ka dhigaya in lasoo saaro sharciyo cusub oo lagu xaddidayo xorriyadda ururrada marka ay timaado ururada ku howlan ama taageera argagixisada.

Khubarada ayaa sheegay in sharci cusub uu sahli doono in dacwad lagu soo oogo xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo ay Ankara iyo inta badan xulafadeeda reer galbeedka ay mamnuuceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

War Deg Deg Ah: Tirinta Codad doorashada oo soo dhamaatay (Akhriso sida codadka loo kala helay)

Cabdi Cade

Midkee Somalia u faa’iido badan Madasha Bariga Afrika (EAC) & Jaamacadda Carabta?

Caydiid Ali

(Sawirro) Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---