Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qatar oo u digtay taagerayaasha reer Yurub ee ka qeyb galaya Koobka Dunida

Qatar ayaa u digtey taageerayaalu badan kuwa ka yimid dalalka reer galbeedka ee doonaya inay soo qaataan calanka Qowmu Luudka.

General Abdulaziz Abdullahi oo ka tirsan saraakiisha loo xilsaaray sugida amniga koobka dunida ayaa sheegay in taageerayaasha loo baahan yahay iney ilaaliyaan dhaqanka iyo qiyamka dalka Qatar, sida la mid ah sida ay iyaguba ay jeclaan lahaayeen in tooda loo ilaaiyo marka dalalkooda ka joogo

“Haddii uu taageere kor u qaado calanka Qowmu Luudka oo aan ka qaado, sababtu maaha inaan isaga u gefayo, laakiin waxaan rabaa inaan ilaaliyo Naftiisa. Sababtoo ah qof kale oo ag fadhiya ayaa laga yaabaa inuu weeraro” ayuu yiri taliyaha oo intaas ku daray ” Ma dammaanad qaadi karo dhaqanka dadka oo dhan. Marka waxaan kuu sheegayaa Fadlan, looma baahna calankaas in kor loo taago xilligan, Adigoo ku Xadgudbaya Sharcigeena”

General Abdulaziz Abdullahi ayaa tilmaamay in dadka doonaya iney qaataan calankaas ay aragtidooda ku muujiyaan meelaha klaga ogol yahay.

“Haddii aad rabto inaad muujiso aragtidaada ku saabsan xaaladda Qowmu Luudka, ku muuji Meelaha bulshooyinka laga ogol yahay waxaas dhexdooda .

Waxaan ognahay in qof kasta uu ku helay tikityada, oo uu halkan Qatar u yimid si uu u daawado ciyaarta ee ma aha inuu ka mudaaharaado, fal siyaasadeed ama waxa uu doonayo ee maskaxdiisa ku jira” ayuu yiri Sarkaalkan.

Waxaa uu sheegay in Booliska Qatar ay talaabo adag ka qaadi doonaan qof kasta oo ku dhaqaaqa waxyaabo ka baxsan daawashada ciyaaraha Dunida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kiki Gbeho oo qirtay in Soomaaliya cagta saartay Waddadii guusha iyo horumarka

Cabdi Cade

Qoor Qoor oo la kulmay Guddiga ka baaraan degaya Hanaanka doorashada dalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Amaro culus kusoo rogay Bangiyada iyo Xawaaladaha Puntland kuyaala

Cabdi Cade
Taboola Ads ---