Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa AMISOM uga qorsheysan Al-Shabaabka ku sugan gobolada dalka qaarkood?

Ciidamada AMISOM ee ka hawlgala Soomaliya ayaa sheegaya inay wadaan qorshe ay ku kobcinayan labaatan ka mid ah saldhigyadooda Millatari muddo lix bilood ah gudahood.

War qoraal ah oo ka soo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in khubaro ka kala socota Ingiriiska iyo QM qeybta qaabilsan arrimaha Miino baarista ay ku shirsan yihiin Muqdisho, iyaga oo ka arrinsanaya dhaqaalaha ay ku xoojinayaan hawlgalka cusub ee AMISOM.

Sidoo kale AMISOM ayaa waxa ay sheegtay ujeedka hawlgalkan inuu yahay sidii Shabaab looga saari lahaa goobaha ay kaga sugan yihiin gobolada dalka, midaasina ay garab ku siinayaan ciidamada Soomaaliya.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa waxa ay sheegeen inuusan waxba soo kordhineyn hawlgalkan cusub, keliyana ay caalamka doonayaan inay u arkaan inay la dagaalamayaan Al Shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa lagu dhaliilayey sanadihii ugu dambeeyey iney ka gaabiyeen dagaalka  ay kula jiraan Al-Shabaab tasaoo keentay in kooxda ay geysato weeraro badan oo qaarkood si weyn loogu hoobtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo dalka ku soo celisay tahriibayaal ku xanibnaa Liibiya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Howlgal culus oo ka socda degaan ka tirsan Mudug & dad la soo xirxiray

Caydiid Ali

RW Rooble oo la kulmay 16-kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---