Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirada Galmudug oo ansixiyey shan degmo oo cusub (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Dowladda Galmudug.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud, ayadoona warbixin laga dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Galmudug.iyo howlgaladii u danbeeyay ee kooxaha argagaxisada ah looga saaray deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa Golaha hor keentay  hindise sharciyeed lagu dagmeynayo deegano ay Wasaaradu ku sameysay daraasad, soona buuxiyay shuruudaha degmanimo oo kala ah

1- Dhabad

2- Galinsoor

3-Bandiiradley

4- Afbarwaaqo

5- Ceelguula.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday ansaxinta degmooyinka kor ku xusan, ayadoona lagu ansixiyay cod aqlabiyad oo gacan taag ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Warbixintii New York Times ka qortay dowlada Qatar

Caydiid Ali

Jabuuti: Dadkii ugu badnaa oo maanta kaliya laga helay cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Dil goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---