Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta ka qeyb galay munaasabad lagu xusaayey (AUN) Sheekh Cabdulqaadir Jaylaani oo ka mid ahaa Culamaa’udiinka waaweyn ee Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay fidinta Diinta Islaamka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in cullimada Soomaaliyeed gaar ahaan Suufiyada yihiin kuwa maanta hor kacaya dagaalka lagu cirib tirayo argagixisada cadawga ah ee xalaashaday dhiigga shacabka Soomaaliyeed, Isla markaana culimada Suufiyadu yihiin kuwii iyadoon cidi ku baraarugsanayn hore dagaalka ugula jiray.
Waxa uu amaanay Ra’isul Wasaare Xamse culimada suufiyada uu ku tilmaamay kuwa nabadeed, waxa uuna uga baaqay in qeyb ka noqdaan howlgalada dalka looga xureenayo kooxda Al Shabaab.