Ciidamada milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka beesha Abgaal ayaa maanta la wareegay deegaanka Cadcadey oo hoostagga magaaladda Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhaxe.
Deegaanka Cadcadeey waxaa muddo sannado ah gacanta ku hayay kooxda Al Shabaab , waxaana deegaankaasi la wareegay oo howlgalo kawada ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.
Gen. Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ciidanka xoogga saakay ay dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka Cad-Cadeey, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay Jeneraalka in howlgalka ay sii wadayaan ayna hadda kusii siqayaan magaalada Ruunirgood oo farriisimo waa weyn ay ku leeyihiin kooxda Al Shabaab ayna doonayaan in halkaasi ka saaraan.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaano badan oo kuyaalla gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna ciidamada doonayaan in Al Shabaab gabi ahaan ka saaraan gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com