Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia oo isla gartay is dhaafsiga khuburo dhinaca dhaqaalaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac Huruuse oo Safar Shaqo ku joogo Dalka Serbia ayaa Kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Dhaqaaalaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Rade Basta.

Kulanka dhax maray labada wasiir ayaa diirada lagu saaray xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinaca Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo is dhexgalka Ganacsiga.

Inta Kulanka uu socday Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia ayaa Dadka soomaaliyeed ku ammaanay Fir-fircoonida Ganacsiga iyo shaqo abuurka, maadaama Soomaaliya ay tahay dal leh dhul beereed iyo xeeb dheer oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana Mudane Reda Basta uu ku taliyay In Soomaaliya ay u guurto Habka Casriga ee Canshuuraha lagu uruuriyo ee loo yaqaano (E-Government).

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in ay ka faa’iideysan doonaan khibrada dowladda Serbia ay u leedahay Dhaqaalo Abuurka, ayna labada dal iska kaashan doonaan Horumarinta Dhaqaalaha.

Labada wasiir ee kala matalayay Soomaaliya iyo Serbia ayaa isla gartay in la is dhaafsado khuburo dhaqaalaha ah oo labada dal ka socda kuwaas oo tagi doonna Magaalooyinka Muqdisho iyo Belgrade.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

UNSOM oo Puntland u qoondeysay Miisaaniyad dhan $120 milyan

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo ku biiray shirka u socda Madaxda dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Korneyl Saney Cabdulle oo ka badbaaday isku day dil iyo Ciidamo badan oo laga laayay

Cabdi Cade