Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa saakay oo khamiis ah xukun dil ah ku fulisay labo nin oo lagu helay in ay horey dilal bareer ah ugu geesteen labo qof .
Labadan nin ee saakay xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay dilalka lagu eedeeyay in ay geesteen, waxaana ehelada marxuumiinta ay dileen ragan diideen in ay cafiyaan ama diyo ka qaataan ehelkooda.
Maxkamadda ayaana dil toogasho ah ku fulisay Yuusuf Cabdille Ismaaciil oo hore dil ugu gaystay marxuum Cabdicasiis Axmed Iimaan iyo Cabdi Xasan Isaaq oo oo hore si bareer ah u dilay Axmed Xuseen Cismaan.
Xeer ilaaliya maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland, Gaashaanle dhexe Mowliid Axmed Yaasiin ayaa sheegay in dilka saakay lagu fuliyay labada nin uu daawo iyo xal u noqonayo umadda , waxa uuna xusay in qof kasta oo dil geesta in isna tiirka la geenayo.
Magaalada Muqdisho ayaa sidan oo kale xukunno dil ah loogu fuliyay rag horey xukuno dil ah loogu riday, kuwaa oo geestay dilal iyo qaraxyo, waxaana wali xabsiyadda qaar wali ku xiran maxaabiis badan oo dil sugayaal ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com