Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo la sheegay in fursad weyn ka heleyso hakadka galay dagaalkii lagula jiray

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay hakad galay howlgaladii ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ka socday qaar kamid ah gobolada dalka, hakadka galay dagaalka ayaana la tilmaamay in fursad u tahay kooxda Al Shabaab oo jab kasoo gaaray dagaaladii dhacay.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay hakadka ku yimid howlgaladii Al Shabaab dalka looga xureenayay uu fursad weyn siinayso kooxdaasi si ay uga soo kabtaan jabkii horey u gaaray ayna mar kale dib isugu soo uruursadaan.

”Hakad uu galo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxeey siineysaa fursad ay dib isugu urursadaan, kadib jabkii cuslaa ee soo gaaray. Geeso lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa” ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu.

Howlgaladii ka socday gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhaxe iyo Galgaduud qeybo kamid ah ayaa hakad galay maalmihii lasoo dhaafay, mana jiro ilaa hadda war dowladda kasoo saartay hakadka ku yimid howlgaladii ka dhanka ahaa Al Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaana howlgalkii ugu dambeeyay ku qabsaday deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, hasa ahaatee ciidamada huwanta ah ayaana deegaankaasi dib uga baxay labao maalin kaddib markii ay qabsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War-Murtiyeed ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga oo la soo gebagebeeyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Odayaal ‘ka baxsaday ciidan uu usoo diray’ Axmed Madoobe oo ka cararay Kismaayo iyo Wararkii ugu danbeeyay !!

admin

(Akhriso) Gudoomiye degmo oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la Magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---