Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Bambaano oo Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa caawa kooxo aan heebtooda la garan bambaano nuuca gacanta laga tuuro ku weerareen fariisin Ciidanka dowlada Soomaaliya ku leeyihiin Isgooska Kuliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in bambaanada laga tuuray mooto si deg deg ahna goobta uga baxsatay, waxaana qaraxa bambaano kadib rasaas badan kor u riday ciidamada amaanka ee lagu weeraray bambaanada.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa dhaawac kasoo gaaray qaraxan, lamana oga in dhaawaca qofkan in uu ka dhashay bambaanada iyo in ay haleeshay rasaasta ay fureen ciidanka dowlada.

Ciidamada amaanka ayaa weerarka bambaano kadib bilaabay baaritaano adag ay ku sameenayaan gaadiidka iyo mootooyinka laamiga marayay, waxaana la sheegay in ay baxsadeen dadkii ka dambeeyay weerarka bambaano.

Fariisimaha ciidanka dowlada ee magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa lagu weeraraa bambaanooyin, waxaana inta badan masuuliyada weeraradaasi sheegta kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo sabab u noqday Dib u dhac ku yimid shirka Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade

Keyse Mayoow oo sheegay in Fatahaada Wabiyada keeneen midnimo iyo is Jaceyl

Cabdi Cade

Guddiga Dib u eegista Dastuurka oo War kasoo saaray Dastuurka la sheegay in la xaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---