Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ahlam Al-Bashiir oo ka hadashay sida ay u fulisay qaraxii Istanbul & cida soo tababartay (Sawirro)

Saraakiisha Booliiska dalka Turkiga, ayaa shaaciyay xog ku saabsan qarixii Axaddii la soo dhaafay ka  dhacay Turkiga iyo wareysi lala yeeshay haweeneyda lagu tuhunsan yahay iney fulisay

Su’aalo la weydiiyay haweenayda looga shakisan yahay weerarka oo ah Ahlam Albashir una dhalatay dalka Suuriya ayey arrimo badan kaga hadashay

Sawirrada howlgalkan dadka lagu qabqabtay ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay saraakiisha Booliska.

Maamulka ayaa shaaciyay in Albashir amarka ay ku fulisay weerarka ay soo qaadatay iyadoo joogta magaalada Kobani ee waqooyiga Suuriya, kadibna ay Turkiga si sharci darro ah ku soo gashay 4 bilood ka hor, iyadoo aadday magaalada Istanbul, halkaasoo ay ka shaqeysay midka mid ah goobaha dharka lagu talo.

Warka laga soo saaray qarixii dhacay ayaa lagu sheegay in haweenaydan ay ku fadhiistay mid ka mid ah kuraas taallay, halka qaraxu ka dhacay mudd 40 daqiiqo ah. Boorso ayay kaga tagtay halkii ay fariisatay daqiiqado yar kadibna waxaa dhacay qaraxa, iyadoo in cabbaar ah ka sii maqan goobta.

Warku wuxuu intaa ku darayaa marka ay goobta ka tagtay in ay  aadday Esenler, iyadoo gaari u raacday Küçükçekmece.

Agaasinka Amniga Istanbul, ayaa sheegay in haweenaydan lagu tuhmayo in ay ka dambeysay weerarkii Axaddii dhacay ay Waddada Istiklal ee Taksim Square, gashay iyadoo dhabarka ku wadata boorso, ayna ku fariisatay kursi yaalla halka wax ka dhaceen.

Kaamiradda ayaa laga arkay muuqaalkeeda. Intii ay su’aalaha weydiinayeen saraakiisha booliisku waxay sheegeen in Albashir ay sheegtay in si gaar ah  ay tababarro u siiyeen ururada PKK/PYD/YPG, iyadoo si sharci darro ahna ku soo gashay dalka Turkiga oo ay ka soo gashay gobolka Afrin.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Turkiga, ayaa sidoo kale lagu sheegay in haweenaydan ka hor inta aan la soo qaban ay isku diyaarineysay in ay u baxsato dalka Giriigga.

Related posts

Madax si ulakac ah loogu casuumay biyo Wasakheysan & Sababta ka dambeysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Mid ka mid ah dalalka Islaamka oo laga Mamnuucay Tiktok iyo Game-ka PUBG

Caydiid Ali

Adeegyada Fariimaha ee WhatsApp, Instagram iyo Messenger oo la isku darayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---