Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Shixnadii ugu horreysay gargaar ay bixisay ICRC oo gaaray Tigray

Shixnadihii ugu horreeyay ee gargaar caalami ah oo ay bixiso hay’adda ICRC ayaa gaaray gobolka Tigray ee woqooyiga dalka Itoobiya ka dib dagaal muddo labo sano ah ka socday gobolkaas.

Sidoo kale Duulimaad tijaabo ah oo ay wadeen Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa maanta ka degay Magaalada Shire ee gobolka Tigray, Waa duulimaadkii ugu horeeyay ee bani’aadamnimo muddo laba sano ah tan iyo markii dagaalku qarxay Nofembar 2020 sida ay sheegtay ICRC.

“Dib u bilaabidda gargaarka Tigray waxay gacan ka geysan doontaa in si degdeg ah loo qaado gargaar bani’aadamnimo oo deg deg ah, si looga baaqsado dhibaatada kumanaan qof oo u baahan taageero degdeg ah,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ICRC.

Laba baabuur oo xamuul ah oo ay ka buuxaan agab caafimaad oo muhiim ah ayaa gaaray magaalada Mekelle.

Bilowgii bishan, dowladda Itoobiya iyo Maamulka TPLF ee gobolka Tigray ayaa kala saxiixday heshiis xabbad joojin ah, iyo in loo soo afjaro colaaddii labada sano socotay.

Dhaqangelinta heshiiska ayaa waxaa ka mid ah inaan la xaddidin in gargaar la siiyo dadka ay soo food saareen cudurrada iyo gaajada ee gobolkaas ku go’doonsanaaa.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale bilowday qeybinta gargaarka, waxaana kala bar dadka gobolka Tigray oo gaaraya 5.5 milyan ay u baahan yihiin cunto iyo adeegyo kale oo asaasi ah.

Magaalada Nairobi ee dalka waxaa ka socda weli wejigii labaad ee wadahadalada oo lagu lafagurayo fulinta qodobka ugu adag heshiiska labada dhinac ay gaareen oo ah hub ka dhigista maleeshiyada TPLF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacabka magaalada Muqdisho oo Cabsi iyo Walaac xoogan uu lasoo darsay 

Cabdi Cade

Booliska Muqdisho oo ugu dambeyn soo qabtay Yuusuf Axmed Max’uud (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka socda Madasha Qorshaha Isbeddelka Qaranka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---