Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

NATO oo sheegtay in ciidanka Ukraine ay rideen gantaalkii ku dhacay dalka Poland

Gaashaanbuurta NATO waxay sheegtay in weerarkii gantaal ee lagu qaaday Poland aanu ahayn weerar ka yimid ciidamada Ruushka ah

Madaxa isbahaysiga milatariga NATO iyo kuwa Poland ayaa labaduba sheegay in gantaal lagu weeraray dhul beereedka Poland oo ay ku dhinteen laba qof uusan u muuqan weerar ula kac ah.

Waxay sheegeen in ciidanka difaaca hawada ee dalka Ukraine ay u badan tahay inuu riday gantaalkaas xili ay iska caabinayeen duqeyntii Ruushka uu shalay ka geystay dalkaas.

“Difaaca Ukraine waxay gantaaladooda u ridayeen jihooyin kala duwan, waxaana aad loogu badinayaa in mid ka mid ah gantaaladaasi uu nasiib darro ku dhacay dhulka Poland” ayuu yiri Madaxweynaha Poland Andrzej Duda. “Ma jiraan calaamado muujinaya in weerarkaas uu ahaa mid ula kac ah oo ka dhan ah Poland.” ayuu intaas ku daray

Dad badan ayaa ka shakisan in ciidamada Ukraine ay ulkac gantaalkaas ugu rideen Poland, iyagoo  adeegsanaya hub ciidamada Ruushku kaga tageen magaaladii ay dhowaan ka baxeen ee Kherson, si ay Gaashaanbuurta NATO u soo gasho dagaalka.

Ka hor qiimeynta ay soo saareen Poland iyo NATO, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu yiri “wax aan macquul aheyn” in Ruushka uu riday gantaalka laakiin wuxuu raaciyay: “Waxaan hubin doonaa inaan ogaano sida saxda ah ee uu u dhacay.”

Ukraine oo mar ka mid ahayd Midowgii Soofiyeeti, waxay soo saartaa hubkii Midowga Soofiyeeti iyo Ruushku sameeyay oo ay ku jiraan gantaalada difaaca cirka, waxayna sidoo kale gacanta ku dhigtay hub badan oo kale oo Ruush ah iyadoo dib u garaacday ciidamadii Ruushka ee soo duulay.

Ruushka ayaa sheegay in aysan ridin gantaalka ku dhacay Poland. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ayaa sheegay in aysan jirin wax weerar ah oo Ruushku ka geystay xudduudda Ukraine iyo Poland.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musiibo ka daran dagaalka oo ku soo fool leh Gaza iyo digniin laga bixiyey

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo booqday ciidamo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqasho kadis ah uga bilaabatay Magaalada Kigali (Daawo Sawirro)

admin