Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu yahay heshiiska DF la gashay Shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding? (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aden ayaa heshiis is afgarad la saxiixday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding Mr. JZhuang Liang kaasoo ay shirkaddu ku maal galinayso kalluumeysiga dalka.

Heshiiskan oo ah isfaham laba dhinac leh isla markaana waqtigiisu yahay muddo hal sano ah ayaa dhigaya in shirkadda   Beijing Chaoliang Holiding (Group) hirgaliso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka dalka, inay maalgalin xoogan ku sameyso wax soosaarka kalluunka Tuunaha kaasoo ah kalluun xilliyeed guur guura ayna wadaagaan dhammaan wadamada ku teedsan biyaha badweynta hindiya.

Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in Maraakiibta shirkadda la siiyo ruqsado kalluumeysi iyadaoo loo marayo habraacyada sharci ee kalluumeysiga dalka.

Munaasabadda saxiixa Xaflada heshiiska oo ay ka soo qeybgaleen goob joogayaal caalimi ah, khuburo kalluumeysi iyo wakiilada Shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding(group) Co. Ltd ayaa Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysigu faahfaahin ka bixiyey muhiimada uu dalkeena u leeyahay iskaashiga noocan oo kale ah isagoo sheegay in kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badaha dalkeenu uu ka mid yahay tiirarka ugu horreeya ee qorshaha xukuumadda Dan Qaran iyo Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.

Wasiirka ayaa ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo kalluumeysiga sharci darrada ah isagoo dhambaal diginin ah u diray dalalka ay maraakiibtoodu sifada aan sharciga ahayn ku soo galaan biyaha dalkeena gaar ahaan maraakiib jiriif ah oo waxyeelo wayn u geysta degaan badeedka iyo xeebaha dalkeena.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ururo Soomaali ah oo ku shiray Magaalada AMSTERDAM [VIDEO NEWS]

Caydiid Ali

Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari oo caawa isku day cusub ka wada Muqdisho

Caydiid Ali

Taliyihii xalay is-casilay ee Booliska Dhuusamareeb oo laga soo dejiyey Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---