Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wasiirka Difaaca & Taliye Odowaa oo kulan xasaasi ah la qaatay wafdi ka socday EU

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac  iyo Taliyaha ciidanka xooga Dalka Sareeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub iyo Saraakiil ka socda Xarunta dhexe ee Midowga Yurub oo ku taalla magaalada Brussels

Labada masuul ayaa kala hadlay wafdiga Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca howgallada socda iyo sidii Midowga Yurub ay uga gacan siin lahayeen La dagaallanka Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa is dhaafsaday sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda ciidanka xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub kaalinta ay ka qaadato doorka kaga aadan taageeridda ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ee taageera dib u dhiska ciidanka xoogga dalka iyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Zelensky oo booqday Magaalo ay ka baxeen ciidamada Ruushka (Sawirro)

Caydiid Ali

Hadal heyn ka dhalatay kulankii Shiikh Aadan Madoobe la qaatay Saraakiisha ciidamada

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah:  Jawaari oo Sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in uu is casilo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---