Diyaarado drone ah oo sida bambooyin ayaa weerar ku qaaday Markab sida saliid cayriin oo uu leeyahay bilyaneer Israeli ah, meel u dhow xeebaha dalka Cumaan, xilli ay xiisad xooggan Israel kala dhaxeyso Iran.
Weerarka lagu qaaday markabka Pacific Zircon, oo sita calanka Liberia, ayaa dhacay habeenkii Talaadada, sida uu sarkaal ciidan oo ku sugan Bariag Dhexe u sheegay wakaaladda wararka AP.
Warka ku saabsan weerarka ayaa sare u kac yar ku sameeyey qiimaha saliidda cayriin ee caalamka, wuxuuna gaaray $94 halkii barmiil. iyada oo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda, ayaa tuhunka weerarka wuxuu durba ku dhacay Iran.
Tehran iyo Israel ayaa wxaaa sanado u dhaxeeyey dagaal dadban oo ka socda Bariga Dhexe, ayada oo diyaarado drone ah ay beegsadeen maraakiib ku xiran Israel dhowr goor. Sidoo kale Israel ayaa dhowr mar weerartay bartilmaameedyo Iran oo ku yaalla Syria
Markabka Pacific Zircon ayaa waxaa maamusha shirkadda Eastern Pacific Shipping ee fadhiggeedu yahay Singapore, waxaana iska leh bilyaneer Israeli ah oo lagu magacaabo Idan Ofer.
Shirkadda Eastern Pacific Shipping ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in markabka Pacific Zircon oo siday gaas iyo saliid “lagu dhuftay gantaal” isaga oo maraya meel 240 km u jirta xeebta Cumaan.
“Waxaan xiriir la sameynaynaa markabka, mana jiraan warbixino sheegaya dhaawac ama saliid qubatay. Dhammaan shaqaalaha waa badqabaan waana la tiriyey, Waxaa jira waxyeello yar ayaa soo gaartay markabka, balse ma daadan saliidda” ayey tiri shirkadda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com