Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Cali Jeyte oo Aqalka Sare uga Warbixiyay howlgalada ka socda Hiiraan (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Muane Cabdullaahi Cali Xersi {Timacadde} ayaa manta Xarunta Aqalka Sare ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jayte Cismaan.

Guddoomiye Cali Jayte ayaa Guddoonka Aqalka Sare uga warbixiyay halka ay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda Al-shabaab ee ka socda dalka gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Jayte guddoonka u sheegay in ay muhiim tahay in dagaalka la mideeyo oo saf balaaran laga dhigo si meel kali ah aan culayska dagaalka loo saarin, loogana guulayso cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan doorka muuqda ee uu ka qaatay dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab oo uu ku hoggaamiyay shacabka dhiifoon ee Gobolka Hiiraan oo gacan ka helaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey Ukraine “Ruushka oo isku diyaarinaya weeraro cusub” (Sawirro)

Caydiid Ali

Xamaas oo Shuruud adag ku xirtay sii deysmada 55 La-haystayaal Reer Galbeed ah

Cabdi Cade

Somalia oo War kulul ka soo saartay qaraxii lagu riiqmay ee ka dhacay Peshawar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---