Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ruushka oo ka hadlay Gantaaladii khasaaraha dhaliyay ee ku dhacay gudaha dalka Poland

Gantaal la sheegay in lagu sameeyay dalka Ruushka ayaa lasoo tabinayaa in uu ku dhacay gudaha dalka Poland, waxaana gantaalkan la xaqiijiyay in ay ku dhinteen labo qof oo u dhalatay dalka Poland.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Poland Mateusz Morawiecki ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa in ay is dejiyaan, waxa uuna sheegay in aysan wali cadeyn halka laga soo riday gantaalkaasi ayna socdaan baaritaano.

Afhayeen u hadlay aqalka Kremlin-ka oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa beeniyay in Ruushka ka dambeeyay gantaalka ku dhacay Poland, waxa uuna sheegay in aysan wax war ah ka heyn qaraxa oo kaliya maqleen.

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa tabinaya in gantaalka ku dhacay xadka ay wadaagaan Poland iyo Ukraine ay rideen ciidamada Ukraine, waxa ayna sheegeen in arrintan Ukraine uga gon leedahay in xasaasiyad cusub abuurto.

Wadamo badan oo Mareykanka ku jiro ayaa cambaareeyay gantaalka ku dhacay gudaha Poland ee khasaaraha dhaliyay, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo cidda riday gantaalkaasi oo shaki badan ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

SSC oo dooratay hogaan cusub iyo Axmed Karaash oo war ka soo saaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Duuliye ka dhergay qamri badan oo sabab u noqday in la baajiyo duulimaad Caalami ahaa

Cabdi Cade

Wasiirka Arimaga Dibadda Kenya oo wax laga weediinayo Khilaafka Somalia iyo Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---