Allbanaadir.com
NEWS

Heshiis Milatari oo Soomaaliya la gashay labo dal oo Afrikan ah oo la ansixiyay

Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu ansixiyay heshiis dhinaca milatariga ah oo horey Soomaaliya ula saxiixatay dalalka Sudan iyo Uganda.

Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyay ansixinta golaha wasiiradda heshiisyo is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arrimaha difaaca oo ay la galeen Uganda iyo Sudan.

‘Waxaan mahad ballaaran u dirayaa golaha wasiirada JFS oo meelmariyay heshiisyo isafgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arrimaha difaaca oo ay Wasaaradda Gaashaandhiggu horgeysay golaha sharafta leh. Heshiisyadan ayaa waxa ay wasaaraddu la kala gashay dowladaha Sudan iyo Uganda” ayuu yiri wasiirka difaaca.

Wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya ayaa cadeeyay in ay ka go’antahay dhismaha hay’ado difaac oo tayo sare leh, waxa uuna xusay in heshiiska milatari ee Soomaaliya gashay wax badan u tari doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo la ogaaday in uu ka dambeeyay burburinta Markab Ruushku lahaa

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo magacaabay guddiga qaban qaabada Ololaha doorashada ee…

Cabdi Cade

Jarmalka oo Ballanqaad cusub oo muhiim ah u sameeyay Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---