Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

DEG DEG: Qarax goor dhow bartamaha Magaalada Hargeysa (Faahfaahin hordhac ah)

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow oo caawa ah ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta mamaulka Somaaliland.

Sida wararku nagu soo gaarayaan Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka xarunta shirkadda Dahabshiil ee u dhaw dugsiga Sheekh Bashiir.

Goob joogayaal ku sugan Magaalada ayaa sheegaya in qaraxa jugtiisa laga maqlay meelo badan, ayna dadku isweydinayaan waxa sababay.

Lama oga illaa hadda waxaa ahaa uu ahaa qaraxan, hadii uu jiro khasaare ka dhashay iyo cida geysatay, hase ahaatee waxaa goobta xiray ciidamada Booliska Somaliland oo halkaas ka wada baaritaano.

Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan degaanada Somaliland ayaa ka mid ah meelaha ugu nabdoon geeska Afrika, loogamana baran qaraxyo iyo wax la mid ah.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA INSHA ALLAH..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo lagu helay Dambi culus laguna riday Xukun dan u ah Jean Carroll

Cabdi Cade

RW Xamse oo ka qeyb galay Xus weyn oo lagu qabtay Safaarada Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Qarax caawa ka dhacay Muqdisho iyo Sarkaal lala beegsaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---