Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xildhibaan isaga oo cabsan gaari kaxeeyay oo is casilay raaligelina bixiyay

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Rwanda ayaa is casilay ,kaddib markii gaari uu ka xeeyay isaga oo cabsan, waxa uuna la kulmay dhaleeceyn xooggan oo kaga timid madaxweynaha Rwanda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Gamariel Mbonimana oo katirsanaa baarlamaanka Rwanda ayaa ciidamada booliiska qabteen isaga oo cabsan sidoo kale gaari wada, booliiska ayaana sheegay in ay awoodi waayeen in ay xiraan xildhibaanka maadaama uu xasaanad leeyahay.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa si kulul u dhaleeceeyay xildhibaanka isaga oo cabsan kaxeeyay gaariga, waxa uuna falkaasi ku tilmaamay mid aan la aqbali karin oo masuuliyad darro ah.

Xildhibaan Gamariel Mbonimana, ayaa durba go’aansaday in uu iska casilo kursiga xildhibaanimo uu ku fadhiyay, waxa uuna xildhibaanka falkan uu ku kacay ka raaligeliyay madaxweynaha iyo shacabka Rwanda.

Dalka Rwanda waxaa sharci darro ka ah in qof isaga oo cabsan uu kaxeeyaa gaari, waxaana qofkii falkaasi lagu qabtaa booliiska dhigaan xabsi iyaga oo sidoo kale ku ganaxayaa $140 doolar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawiro laga soo qaaday Ciidamada Danab ee Al Shabaab kala wareegay Bariire

Cabdi Cade

Ganacsatada Gobolka Banaadir oo War kasoo saaray Lacago looga qaado Dhismaha Wadooyinka Muqdisho

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo ka hadlay Shirkii Garawe Eedeyna u jeediyay Dowlada Federaalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---