Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo xaflad Sagootin ah loogu sameeyay magaalada Lusaka (Sawirro)

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay xaflad Casho oo sagootin ah oo xalay loo qabtay isaga iyo wafdigiisa , taasi oo ay soo diyaariyeen Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga mahadceliyay Safaarada Soomaaliya ee Zambia, Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen Isaga iyo Wafdiga la socda, wuxuuna kula dardaarmay in ay illaashadaan midnimada ay ku caanbaxeen wadashaqeynta iyo is gacan qabashada dhexdooda ah.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay munaasabadda, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Mudane Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka degay Kigali (Ujeedka)

Caydiid Ali

Qadkii Internetka ee K/Somalia oo shan saacadood ka dib hawada ku soo laabtay

Caydiid Ali

Isbitaalka takhasusiga ee Guuleed oo Qaliino kala duwan fulinaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---