Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka shiray labo qodob oo muhiim ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay go’aaminta goobta lagu qabanayo furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka JFS oo ku beegan 15-ka bishan oo maalinta berri ah ku aaddan.

Sidoo kale kulanka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS ayaa looga hadlay anisixinta soo jeedinta Guddiga Joogtada ee buuxinta kuraasta ka bannaanaata Golaha Shacabka.

Kalfadhiga 2aad ee golaha shacabka Baarlamaanka JFS ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana kalfadhigan hor yaalla mudada uu socdo ajendayaal kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Xogta kulan dhexmaray Cabdi Xaashi & Ku-xigeenka Wakiilka Q/Midoobay

Caydiid Ali

Khayre oo kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyadda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---