Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Iran oo duqeysay Magaalo ku taalla Ciraaq iyo Mareykanka oo si kulul uga hadlay

Milateriga Iran ayaa Gantaallo ku garaacay caasimadda gobolka Kurdida ee Ciraaq, duqa magaalada Koye oo u dhaw caasimadda Erbil ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay halka toban kalena ay ku dhaawacmeen weerarka.

Wakaaladda wararka ee dowladda Iran ee FARS oo soo xiganeyso saraakiil sare oo ka tirsan ilaalada kacaanka Iran ayaa sheegay inay duqeymaha iyo diyaaradaha Drones-ka lagu beegsaday waxa uu ku tilmaamay ‘kooxaha argagixisada ah’ ee ka howlgala gobolka.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay qiiq iyo uuro madow oo kasoo baxaya dhismo burburay oo weerarka lagu qaaday.

Maraykanka ayaa si adag u cambaareeyey duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo gantaallada ay maanta ku qaadeen gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq, wuxuuna ugu baaqayaa Iran inay joojiso weerarrada ay ku hayso deriska iyo dadka Ciraaq.

“Waxaan la garab taaganahay madaxda Ciraaq waxaanan cambaaraynaynaa xadgudubyadan ka dhanka ah madax banaanida Ciraaq ee ay geysatay Iran” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay qunsuliyada Mareykanka ee magaalada Erbil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Eriteriyan ah oo Xamaas ka bad baadiyay Sargaal Israa’iili ah oo la abaal mariyay

Cabdi Cade

Xukun lagu riday askari dhowaan Kismaayo ku dilay xaaskiisa oo uur laheyd (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Faadumo Axmed oo noqotay Haweeneydii ugu horeesay oo Kenyan ah ee noqota Janaraal (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---