Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War cusub oo ka soo kordhay nin oday ah oo saaka waaberigii lagu dilay Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan  Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Macalin Cabdullaahi Sanweyne oo saakay isagoo Salaada Subax Madaajidka ka soo baxay  gacan ka xaqdaran ku dishay magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Macalin Cabdullaahi Sanweyne oo saakay gacan ka xaqdaran Ku dishay isagoo salaada subax kasoo baxay misaajid Ku yaala magaalada Muqdisho.”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa Marxuumka oo ahaa Ganacsade iyo Oday dhaqameed waqti badan qeyb ka ahaa dib u heshiisiinta Bulshada Soomaaliyeed ayuu Alle uga baryay inuu janadiisa Firdooso ka waraabiyo, qoyskiisana samir iyo iimaanna Alle ka siiyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in marxuumka ay dileen kooxo burcad ah oo dhac u geysanayey sida ay sheegayaan dadka ku nool degaanka Ex-Kontrol Afgooye oo dilkan uu ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiradii Dowlada ee ka qeyb galay Shirkii Garawe oo War cusub soo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo dilay dhalinyaro falastiiniyiin ah iyo xiisad ka dhalatay (Sawirro)

Caydiid Ali

Subax u xun Dagaal oogaha Geeska Afrika Abiy Axmed iyo Caalamka oo kahor-yimid

Cabdi Cade
Taboola Ads ---