Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Danab oo fashiliyey qaraxyo Al-shabaab ku aaseen duleedka Kismaayo (Sawirro)

Ciidanka Kumaandoska Danab ee XDS ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Degaanada laga fuliyey howlalada ayaa waxaa ka mid ah Dhay-cabdi, Mayoonde, Qudhac-madoobe, Koban, Araare iyo Bandar-jadiid oo dhamaantood ku yaalla waqooyiga Magaalada Kismaayo.

Inta uu howlgalka socday Ciidanka ayaa ku guuleystey inay soo saaraan Miinooyin ay Alshabaab ku aaseen wadooyinka qaar ee ku yaalla degaanadaas.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay iney sidoo kale cagta mariyeen goobo ku yaalla degaanadaas oo ay gabaad ka dhiganayeen Al-Shabaab.

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhowaan sheegay in ciidamadiisa ay ka baxayaan difaaca oo ay hadda ka dib weerar ku yihiin Al-shabaab hase ahaatee hadalkiisa illaa waxba kama fulin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hay’adda Duulista Rayidka oo Digniin adag u dirtay Shirkadaha Diyaaradaha ee dalka ka howlgala

Cabdi Cade

Kirada Guryaha kuyaala Dhuusomareeb oo gaaray meeshii ugu sareysay (Waa Imisa)

Cabdi Cade

Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka oo lagu sifeeyay in uu yahay Doqon

Cabdi Cade
Taboola Ads ---