Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidan badan iyo gaadiid dagaal oo gaaray degaan dhowaan laga saaray Al-shabaab

Ciidamo fara badan oo wata illaa 30 gaadiidka dagaalka ah oo ay horkacayaan masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud oo ka mid ah degaanadii dhowaan lagala wareegay Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in Ciidankan loogu talo galay in lagu xoojiyo howlgallada lagu doonayo in Al-Shabaab  looga saaro gobolka Galgaduud.

Howlgalo cusub ayaa la filayaa in saacadaha soo socda laga bilaabo bariga gobolka Galgaduud oo weli qeybo ka md ah ay joogaan Al-shabaab.

Ciidamo dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay ayaa la wareegay degaano ku yaalla Bariga Gobolka Galgaduuda, sida Wabxo, Warxoolo & degaano kale inlkastoo ay dib uga soo baxeen sababo an illaa hadda la sheegin awgood.

Abaabulka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolada dhexe ee dalka ayaa u muuqda sii xoogeysanayaa, waxaana daqiiqad walba la filan karaa dagaalo cusub oo qarxa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Kheyre oo la sheegay in Saxaafada u qeybisay mid ay u hanjabto iyo mid ay laaluushto

admin

Bambooyin loo kala diray madaxdii hore ee Maraykanka & xubno xisbiga dimoqraadiga ka tirsan

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo walaac ka muujisay rabshadaha & boobka ka socda dalka Koonfur Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---