Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Taliyaha ciidamada dembi baarista gobolka Mudug oo isku day dil ka badbaaday

Labo xiddigle Mahad Cabdi Jaamac Taliyaha ciidanka dembi baarista CID ee gobolka Mudug oo ku sugan Garoowe ayaa ka badbaaaday isku day la doonayey in lagu qaarajiyo.

Qoraal kasoo baxay taliska qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in taliyaha ay Kooxo hubeysan ku soo warareen magaalada Garowe, balse weerarkaas uu mid ka mid ilaaladiisa ku dhaawacmay.

Xalay ilaa saaka waxaa ka socda magaalada Garoowe baaritaan la xiriira cidda ka dambeeysay weerarkaas la doonayay in lagu dilo Taliyaha CID gobolka Mudug, iyadoo kooxihii fuliyey weerarkaas ay baxsadeen.

Inkastoo mararka qaarkood ay ka dhacaan falal amni daro oo lama filaan ah haddana Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Puntland, waxaana degan Madaxda ugu sareeysa Maamulkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiirka dalka Qatar warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjire Doodishe (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Ukraine oo saxiixday inay ku biirto Midowga Yurub

Caydiid Ali

Dabley lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab oo Shaqaale Caafimaad ka afduubtay Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---