Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo Guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay Villa Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay barnaamijka Xukuumadda ee Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka.

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka dhaqaalaha, ayaa warbixin faahfaahsan looga dhageystay guddiga oo ka warramay qorshaha dhinaca horumarka ee dowladdu ka sameyneyso dejinta koboc dhaqaale oo lagu baraaro.

Dowladda Soomaaliya oo barnaamijkeeda deyn cafinta uu meel wanaagsan oo gabogabo ah marayo, ayaa guddigeeda dhaqaalaha lagu wadaa in toddobaadkan dhammaadkiisa ay kulan muhiim ah la yeeshaan madax sare oo ka tirsan Baanka Adduunka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan dib u habeyn ku sameeyey Golaha Dhaqaalaha Qaranka si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka. isagoo kala diray xubnihii hore ee Golaha, kuwa cusub oo dhalinyaro u badana ku bedelay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qatar oo loo soo bandhigay Fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya

Cabdi Cade

Ahmadinejad oo mar kale isku soo taagay xilka Madaxweynaha dalka Iran

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo shuruudo adag miiska loo saarayo xili uu dalkiisa dagaal ku jiro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---